Askar Kenyan ah oo Lagu Laayay Gaarisa

Waxaa daqiiqado ka hor Magaalada Gaarisa lagu dilay askar ka tirsan Ciidamada Dowlada Kenya , gaar ahana kuwa Dambi baaritsa ee loo yaqaano CID-da.

Ilaa labo askari oo ah kuwa Dambi Baarista ayaa lagu toogtay suuq ka mid ah Kuwa Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Suuqa lagu dilay Ciidamada ayaa haawanaya , waxaana kala cararay dhamaan ganacsatadii ka shaqeyneysay suuqaasi , iyagoo ka cabsaday in ciidamada xanaaqsan ay dilaan shacabka.

Magaalada ayaa wali qasan , waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada amaanka ee Magaalada Gaarisa , waxayna ku raad joogaan kooxihii dilay Askarta.

Magaalada Gaarisa ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay dilalka loo geysanayo ciidamada amaanka ee Kenya , waxaana dilkaasi ka dambeeya kooxo hubeysan oo ilaa hada aan la aqoon waxa ay yihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here