Askar Kenyan ah oo ku Geeriyooday Qarax Lagu Weeraray Gudaha Dalka Kenya (Warbixin kooban)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombassa ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi manta qarax lala beegsaday ciidamo Kenyan ah fariisin ay kusugnaayeen.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxay ahayd saldhig ciidamada Kenya deggan yihiin waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay weerar loo adeegsaday bambaanada gacanta ku tureen halkaasi.

Inta la xaqiijiyey labo askari oo Kenyan ah ayaa ku geeriyootay qaraxaasi labo kalena way ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen saraakiil kusugan saldhiga la weeraray.

Kooxda weerarka qaaday oo lasheegay inay madaw Kenyan ah ahaayeen ayaa la rumeysan yahay kuwo xiriir la leh al shabaabka somaliya ka dagaalama waxaana mombassa ay noqotay goob shabaab ku xidideysteen.

Taliska Ciidamada Kenya ee gobolka Xeebta ah ka arimiya ayaa baaritaano ka wada agagaarka saldhiga qaraxa lagu weeraray manta ee ciidamada kenyankana ku waxyeeloobeen.

Tan iyo markii ciidamada Kenya gudaha usoo galeen Dalka Somalia October 2011 waxaa sii kordhayey weerarada ka dhaca waddankaasi eel ala beegsanayo fariisimaha cidamada Kenya iyo goobaha dadka iskugu yimaadaan sida kaniisadaha iyo baararka laga cunteeyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here