Askar Kenyaan ah oo Lagu Toogtay Magaalada Gaarisa

2 Askari oo katirsan ciidamada Milatariga Kenya ayaa goor dhaweed lagu toogtay magaalada Gaarisa Ee gobalka Waqooyi-bari ‘ Askarta  ladilay ayaa lagu soo waramayaa in ay toogteen kooxo hubeeysan oo aan heebtooda la’ aqoonsan.

Dilka Askartaan kenyanka ah ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka dugsiga sare ee Garissa High School.

Dableydii dilka gaysatay ayaa goobta ka baxsatay, ilaa haddana ma jirto cid loo qabtay Dilka Askartaasi hasa ahaatee goobta uu dilka kadhacay waxaa soo gaaray ciidomo farabadan oo kenyaati ah ku waa oo baaritaan kawda halka uu falkaasi ka dhacay.

Dhacdo ceynkan  oo kale ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu dilay labo askari oo ka tirsanaa booliska Kenya, kuwaasoo markii la dilay kaddib laga qaatay bastoolado ay siteen.

Dilka Askartaan ayaa ku soo beegmeysa xili rabshado  xooga ay ka socdaan xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, halkaasoo shalay lagu qarxiyay bas ay saarnaayeen dad rakaab ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here