Askar katirsan ciidanka Dawlada oo lagu dilay Degmada Afgooye

Bistoolad1Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in siyaabo kala duwan xalay halkaasi lagu dilay Askar katirsanaa ciidanka dawlada Soomaaliya.

Dilka hore waxa uu ka dhacay Xaafada Eytiro ee Degmada Afgooye waxaana koox hubeysan oo sitay Bistoolado ay toogteen salaadii cishaha kadib Askari katirsanaa ciidanka Dawlada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xaafada Embagaati oo hoostaga degmada Afgooye ayaa waxa koox bistoolado ku hubeysnaa ay isna ku dileen Askari kale oo dawlada Soomaaliya la shaqeyn jiray.

Dilkaan waxa uu kusoo beegmayaa xilli seddex maalmood gudahood Degmada Afgooye Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay halkaasi Afar qofood oo seddex ka mid ah ciidanka dawlada ushaqeynayeen halka midka Afaraad uu ahaa Nabadoon Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Haruusi.

Saraakiisha ciidanka Amaanka degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo Maamulka Degmadaasi ayaan weli ka hadlin falalka Nabad-gelyo xumada ah ee maalmahan dambe ka jirtay Degmada Afgooye.

1 COMMENT

  1. Waa Mamnuuc in qof u adeegaya Shacabka La dilo. sababtyoo ah Askari waxa uu ka shaqeynayaa waa Nabadgelyadda Shacabka iyo sidii ay amaan buuxo oo la isku haleyn karo ugu noolaan lahaayeen.

    Alle umadda ha tuso xaqa.

    Soomaaliyeed waa hurudaan ee kakaca Huradda, Tixgeliyana dadka idinka amnigiina sugaya oo ka shaqeeynaya inaad Heshaan Amni buuxa oo la isku haleyn karo. Dalkiina ka ilaashadan dadka u shaqeynaya Cadowga umadda oo aan rabin inaad heshaan Nabadgelyo.

    mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here