Askar ka tirsan Uganda oo lagu dilay dagaalo ka dhacay Shabellaha Hoose

Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in askar ka mid ah Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya lagu dilay dagaal khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Col. Felix Kulayigye ayaa sheegay in weerar miino lagu dilay askartooda, xilli ay ka qeyb qaadanayeen howl gal ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Balli doogle.

“Afar ka mid ah askarteena ayaan ku weynay dagaal ka dhacay Shabellaha Hoose, waxay qeyb ka ahaayeen guutada la magac baxay xoreynta Shabelle”ayuu yiri.

Askartan ayaa meydkooda loo duuliyay Uganda si loogu aaso, waxaana ay qeyb ka noqonayaan tirada askar ee Uganda ku weysay dagaalada Soomaaliya.

Dhinaca kale Sarkaal u hadlay AMISOM oo lagu magacaabo henry Obbo ayaa sheegay in qorshahooda yahay inay isku xiraan Muqdisho iyo baydhabo, isla markaana ka saaraan Al-Shabaab.

AMISOM ayaa qorsheyneysa in wadada Muqdisho iyo Baydhabo isu furto, si ay ciidamo u geyso Baydhabo, isla markaana sahaydeeda si toos ah u isticmaalaan wadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here