Askar ka tirsan Milatariga oo ku dishey saddex ruux oo rayid ah magaalada Muqdisho

Saddex ruux oo rayid ah ayaa ku dhintey labo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada dowlada ay rasaas ku fureen baabuur dad rakaab ah ay saarnaayeen oo marayay agagaarka isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxaa ay rasaasta ku fureen gaariga kadib markii uu darawalkii gaariga uu ka dhega adeygay in uu joojiyo baabuurka markii ay ciidamada ay u gacan haatiyeen.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay markii dambe ay u dhaqaaqeen dhinaca xarunta ciidamada ee Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar badan dhacda in ciidamada dowlada ay si bareer ah u dilaan dadka rayidka iyadoo aysan jirin cid wax ka qabata.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa marwalba lagu arkaa ciidamo xiran dareyska ciidamada isla markaana hubeysan, inkastoo dhowr jeer hore ay madaxda dowlada u sheegeen in ay wax ka qabanayaan ciidamada wadooyinka mara iyagoo hubeysan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here