Askar Dil Toogasho ah Lagu Fuliyay (Sawiro)

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah kufulisay 4-katirsan ciidamada doowlada KMG kuwaaso dilal horay uga geystay magaalada Muqdisho.

Afartan askari ayaa lagu toogtay fahaaraha Iskool-buluusiya waxaana goob joog ahaa taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Shariif Shiikhunaa “Maye” iyo gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”,gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in seddex ka mid ah Afarta maanta la toogtay ay dileen Taliye ku xigeenkii Ciidamada Booliska ee Degmada Hodon.

Sidookale Shariif Shiikhunaa Maye oo ah taliyaha Ciidamada Booliska ayaa isna sheegay in qisaasta lagu fuliyay afartan askari ay wax katari doonto ammaanka magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda Muungaab ayaa sheegay inay jiraan dad dilal ka geystay Muqdisho kuwasi oo iyagana xukuno lagu fulin doono,sida uu hadalka u dhigay.

Ma ahan markii ugu horeesay oo maxkamadda qalabka sida ay toogasho kufuliso qaar katirsan ciidamada Dowlada, ciidamada doowlada KMG ayaa maalmihii ugu danbeeyay qaar kamdi ah waxay falal isugu jira dhac iyo dil kuhayeen shacabka soomaaliyeed ee kunool qaar kamid ah xaafadaha ku yaala magaalada Muqdisho qaasatan goobihii dhowaan laga saaray Al-shabaab.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here