Ashley Cole oo loo dhiibay kabtanimada kooxda qaranka England

Ashley Cole oo u safanaya xulkiisa qaranka kulankii 100-aad ayaa loo dhiibay kabtannimada kooxda, marka ay caawa la ciyaaran ciyaar saaxibtinmo oo ay isaga soo horjeedaan kooxda Jamhuuroyadda Ireland.

Tababare Roy Hodgson ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in Cole uu hoggaamin doono kooxda, maadama ay maqan yihiin Frank Lampard iyo Steven Gerrard oo kabtan loo xiri lahaa.

32-jirkan, ayaa caawa ka soo muuqan doonaa ciyaarta ka dhaceysa garoonka Wembley ee ku yaalla magaalada London wuxuuna u noqon doonaa kulankiisii 102-aad ee u u safto kooxda qaranka wadankiisa.

Hodgson ayaa yiri: “ma ahan kaliye in uu guulo gaarsiiyay Arsenal iyo Chelsea ee sidoo kale kooxda England ayuu gacan siiyay.”

Cole ayaa sidoo kale ka mid ah dhowr ciyaartoyd oo kooxda England u raaceysa dalka Brazil, bisha February.

Maxay taarikh oo ay lee yihiin labadan koox

Kooxda Jamhuuriyadda Ireland, waa markii ugu horreysay oo timaado dalka England tan iyo sannadkii 1991,  sidoo kale xiriirka kibadda cagta Ingiriiska e FA ayaa u dabaal dagaya 150 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay.

Markii u dambeesay oo ay kulmaan ladab qaean waxa ay ahayd sannadkii 1995, , waxaana markaas labada waddan taageerayaashooda dhexmaray rabshado xooggan kuwaasoo ka dhacay caasimada Dublin. booliska ayaa u xiray dhacdadaas 20 qof halka 40-kalena ay ku dhaawacmeeen.

Ciyaartoyda u safanaya labada koox

Kooxda England waxaa u ciyaari doonaa

Goolhaye: Hart Johnson, Cahill, Jagielka, Cole

Walcott, Carrick, Lampard, Milner

Rooney, Sturridge

Halka Jamhuuriyada Ireland

Goolhaye: Forde Coleman, O’Shea, St Ledger, Kelly

Walters, McCarthy, Whelan, McGeady

Keane, Long

Yaa ka maqan kooxda England, Tababare Roy Hodgson waxa ay kooxdiisa ciyaari doonaan iyagoo aysan la socon Kyle Walker, Tom Cleverly, Steven Gerrard (oo garabka ka dhaawacan), Andy Carroll, iyo Jack Wilshere, kuwaas oo dhammaan dhaawacan  who

Daniel Sturridge aya la filayaa in lagu soo billaabo ciyaarta waxaa ku wehlin doona Wayne Rooney kuwaasoo dhinaca weerar iska caawin doona.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here