Arshavin oo dib ugu laabtay kooxdiisi hore ee Zenit St Petersburg

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Andrey Arshavin ayaa dib ugu biiray kooxdiisi hore ee Zenit St Petersburg kadib marki ay ku qaadatay amaah.

Heshiiska uu saxiixay xidigaan u dhashay dalka Russia ayaa dhigaya inuu isaga tago kooxda marka la gaaro bisha July dibna ugu laabto Arsenal.

30-jirkaan u dhaliyey kooxda Arsenal hal gool oo qura 19 ciyaarood oo uu u saftay, isaga oo badal kusoo galay 11 ciyaarood horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League.

Waxa uu doonayaa in uu helo boos joogta ah si loogaga yeero xulka qaranka Russia oo uu u ciyaaray 67 kulan, waxa uu ku biiray Arsenal sanadki 2009 isaga oo markaasi ka tagay kooxda Zenit.

Mudadi uu joogay Arsenal wuxuu saftay 98 kulan isaga oo dhaliyey 23 gool, waxaa lagu xasuustaa kulanki ay Arsenal 4-0 uga badisay kooxda Liverpool bishi April sanadki 2009 markaasi oo uu wada dhaliyey afarta gool ee ay kooxda ku badisay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.