Arsene wenger oo v.persie uga digay inuu ku biro Horyaalka Talyaaniga

Tababaraha kooxda Arsenal arsene wenger ayaa ciyaaryahankiisa Robin V.persie uga digay inuu kubiiro horyaalka Talyaaniga gaar ahaan naadiga Juventus,waxa uuna ku tilmaamay horyaal aad u liita.

“Horyaalka talyaaniga waxaa kajirta dhibaata aad u weyn sababtoo ah waa mid kaliita kan uu hada kaciyaaro v.persie Serie A waa mid darajadiisu ay aad u hooseeyso sidaa darted majirto baahii uu ciyaaryahan aad u weyn sida van persie uu ugu biiro horyaalka talyaaniga” sidaa waxaa yiri Arsene wenger oo wareysi siinayay jaraa’idka Dailly mail ee kasoo baxa wadanka ingiriisk

Gool magafaha Arsenal Van Goal ayaanan wali mustaqbalkiisa kala cadeyn iyadoo wararka kasoo baxaya Emirates ay sheegayaan in xidigaan uusan dooneen inuu heshiis cusub usaxiixa kooxda Arsenal

Kooxda haysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa loola xiriirinayaa inuu aado xidigaan kusoo fashilmay inuu wax uqabto xulkaHollandtartanka Euro 2012

Saami Addow