Arsenal & Tottenham oo ku dagaalamayo Saxiixa Pato

Ciyaaryahanka reer Brazil Alexandro Pato, ayaa waxaa saxiixiisa ku loolamaya labada naadi ee ka wada dhisan magaalada London Tottenham & Arsenal.

42437

Pato, oo mudo 6 sabo ah kusoo qaatay wadanka Talyaaniga, gaar ahaan Ac-Milan, ayaa Sanadkii hore dib ugu laabtay wadankiisa Hooyo ee Brazil, waxaana haatan da’diisa ay tahay 26 sano jir.

“Waxaan dalab ka helay Naadiyo badan oo Horyaalka Ingiriiska ka dhisan, Laakiin aniga maamulka naadiga Corinthians, waxaan u sheegay inaan doonayo inaan halkaan baaqi kusii ahaado oo aan kusii sugnaado” ayuu yiri Pato.

Pato oo waqti fiican iyo waqti xunba kusoo qaatay Milan, ayaa doonaya inuu kusii sugnaado Horyaalka wadankiisa Hooyo, si uu u xaqiijiyo Booskiisa Xulka, islamarkaasna uu ka qayb galo Koobka dunida 2014 oo lagau qaban doono wadankiisa Brazil.

42441

Wararka ka’imaanaya Brazil, ayaa sheegaya in loolanka loogu jiro Xidigaan ay hada Hogaamineyso naadiga Arsenal oo doneysa ineey ku xoojiyaan dhanka weerarka, islamarkaasna lagu lamaaniyo Xidiga Groud, kaasoo hada kali ku ah dhanka weerarka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here