Arsenal oo xagaagan suuqa kala iibsiga ku qarash gareey doonta 150 milyan

Kadib markii uu shalay saxiixay heshiis cusub oo 2 sano kusii hayn doona Emirates Arsene Wenger ayaa waxaa farta laga saari doonaa 150 milyan oo ginni oo uu ku qarash gareeyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagaan si uu u dhiso koox ku guuleysan karta koobka horyaalka England Premier League.

Maamulka Arsenal ayaa haatan hurdada kasoo kacay mana doonayaan inay markale seegaan tartanka UEFA Champions League ka dib markii ay taasi ku dhacday 20 sanno markii ugu horreysay. Shaqo adag ayaana laga qaban doonaa kooxda ka dhisan Waqooyiga London si ay ula xifaaltanto kooxaha waa weyn ee Yurub.

Xidigaha isaga tegi doona xagaagan. Xiddiga qadka dhexe ee reer England Jack Wilshere, goolhayaha reer Poland Wojciech Szczesny, garabka u dhashay dalka Costa Rica Joel Campbell, goolhayaha reer Colombia David Ospina, daafaca dambeedka bidix ee qaranka England Kieran Gibbs.

Sidoo kale kooxda Arsenal waxay dooneysaa inay ceshato labadeeda xiddig ee muhiimka ah Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil kuwaasoo galay sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskooda.

Liiska shanta ciyaaryahan ee imaan kara kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium xilli ciyaareedka soo aadan.

Weeraryahan Carlos Bacca – Weeraryahanka kooxda AC Milan ayaa diiradda u saaran Gunners, iyadoo 30 sanno jirkaani uu dhaliyey 14 gool 34 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan. Ninka reer Colombia ayaana lala barbardhigaa Alexis Sanchez, xitaa wuxuu noqon karaa bedelkiisa haddii uu kooxda ka tago.

Xiddiga Garabka Ka Ciyaara Riyad Mahrez – Mahrez waxaa raadinayey kooxo badan oo Yurub ah xagaagii lasoo dhaafay ka dib markii uu Leicester City ka caawiyey hanashada koobka Premier League, sannadkaan wuxuu doonayaa inuu ka tago kooxdiisa. Ninka reer Algeria ayaana diiradda u saaran Arsenal.

Kubadsameeye Pablo Fornals – Xiddiga qadka dhexe ee Malaga Fornals ayaa Arsenal ula muuqda bedelka mustaqbalka dheer ee Santi Cazorla. Xiddiga reer Spain ayeyna Arsenal ku heli kartaa 15 milyan oo ginni. Fornals ayaana ka garab ciyaari kara xiddigaha Granit Xhaka ama Francis Coquelin.

Weeraryahan Sandro Ramirez – Sidoo kale Sandro wuxuu u ciyaaraa Malaga, xiddigii hore ee Barcelona ayaa beec jaban ku imaan kara kooxda Arsenal weliba 5 milyan oo ginni ayey ku heli kartaa.

Xiddiga garabka ka ciyaara Thomas Lemar ­­ – Gunners ayaa dooneysa inay 21 sano jirka u dhashay dalka Faransiiska ay saxiixiisa uga adkaato kooxda Tottenham. Wuxuu u ciyaaraa kooxda AS Monaco, waxaana lagu heli karaa 17 milyan oo ginni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here