Arsenal Oo wali Rajo Kaqabta in Robin V.Persie Uu Saxiixo Heshiis Cusub

Iyadoo xidiga reer Holland RVP uu diiday inuu heshiis dheeraad ah usaxiixo naadigiisa Arsenal ayaa hadana waxaa jirta in maamulka Guners-ka aysan wali kaquusan in .persie uu naadiga lasii joogo mudo kale islamarkaasna uu qalinka kuduugo heshiis dheeraad ah.

waxaa lagu wadaa in Robin Van Persie uu isbuuca soo aadan kusoo laabto xerada tababarka Arsenal si uu isugu diyaariyo ciyaaraha Horyaalka oo furmi doona bisha Augusto dhamaadkeeda, tababare Arsene wenger ayaa lagu wadaa inuu ka faa’iideysto isla markaasna uu xidigan kadhaadhacsiiyo inuu kasii mid ahaado Arsenal.

Ilo kudhow naadiga Arsenal ayaa waxay sheegayaan in naadiga ay wali kalsooni kuqabaan in RVP uu kasii mid ahaan doono The Gunners.

Arsenal ayaa rajaynaysa in R.V.P uu sameeyo sidii uu sameeyay Wayne Rooneey laba sano kahor, rooneey ayaa markaas kudhawaaqay inuu isaga tagayo Manchester United balse waqti yar kadib waxa uu qalinka ku duugay heshiis cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here