Arsenal Oo Wali Ku Adkeysaneysa In V.persi Uu sii Joogayo Emirates

Maamulka guud ee naadiga Arsenal ayaa wali ku adkeysanaya in Gool dhaliyahooda weyn Van Persie uu baaqi kusii ahaan doono naadiga iyadoo V.persie uu goor hore sheegay inuusan heshiis cusub usaxiixi dooni naadigiisa Arsenal.

Waxa uu ahaa Gool dhaliyaha ugu wanaagsan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay horyaalka England, kulan ay wada qaateen tababare Wenger iyo RVP waxa uu si cad ugu sheegay inusuan dooneen inuu heshiis cusub saxiixo.

RVP ayaa tababare Wenger iyo maamulayaasha The Gunners usheegay inuu doonayo inuu ku guuleeysto koobab iyo abaal marino taasoo kadhigan in V.persie uu isaga tagi doono Emirates Stadium