Arsenal oo wakiilo dirtay Draxler & Jung si ula soo hadlaan

 

Arsenal oo wakiilo dirtay Draxler & Jung
Arsenal oo wakiilo dirtay Draxler & Jung

Saraakiil ka socday Arsenal ayaa u safraya dalka toddobaadkan si ay wadahal ula soo yeeshaan Julian Draxler iyo Schalke si ay ugala soo saxiixdaan labo cayaaryahan oo cusub horiyaalka Bundesliga.

Hoggaamiyaasha horiyaalka Premier League ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan heshiiska kooxda Gemany ay la galayaan maadama suuqa cayaartoyga Yurub uu xirmaayo maalinta Jimcaha ee soo socota.

Kooxda Gunners, ayaa sidoo kale wada-xaajood la fureysa naadiga Frankfurt si ay ugala so wareegto cayaarta difaaca midig ka cayaara ee Sebastian Jung.

Tababbarre Arsene Wenger ayaa ku qiimeeyay cayaaryahankan qiimo u dhexeya 30 million ilaa €36m balse Schalke waxay ka dooneysaa Gunners lacag gaareysa £45m si loo fasaxo cayaaryahanka 20-jirka oo hadda shan sanno oo heshiis ah kula jooga kooxda ka dhisan Germany.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here