Arsenal oo u safreysa dalka Nigeria

Kooxda ka dhisan horyaalka Premier League-ga Ingiriiska ee Arsenal ayaa u socdaali doonta dalka Nigeria si ay halkaasi ugu ciyaarto kulamo saaxibtinimo marka la gaaro 5 August.

Sida laga soo xigtay dadka soo abaabulay barnaamijkan oo ah urur lagu magacaabo DanJan Sports, Arsenal ayaa ah kooxda ugu taageraha badan Qaarada Africa, waxana ay noqon doontaa marki ugu horeysay oo ay ka ciyaarto Nigeria.

War lagu qoray barta internetka ee Arsenal ayaa lagu sheegay in kooxda ay horay u booqatay Africa sanadki 1993-ki markaas oo ay ciyaaro saaxibtinimo kusoo dheeshay dalka South Africa, waxa kale oo lagu yiri kooxda waxay Africa ku leedahay malaayiin taageerayaal ah.

Safarkeeda Nigeria waxay kusoo gaba gabeyn doontaa dalalka China iyo Malaysia bisha July.

Sanadki 2008, ururka  DanJan Sports wuxuu geeyey dalka Nigeria kooxaha Manchester United iyo Portsmouth.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.