Arsenal oo si xoogan ugu soo biirtay Tartanka James Rodriguez

Sida uu qoray wargeyska Metro ee kasoo baxa ingiriiska Arsenal ayaa ugu cad cad saxiixa xidiga reer Colombia iyo Real Madrid James Rodriguez. Iyagoo ku dalbaday aduun dhan £50m.

James oo hada 25 jir ah ayaa doonaya inuu xagaagan isaga baxsado xabsiga Zidane isagoo boos joogto ah ka waayay kooxda koowaad.

Xidiga reer Colombia ayaa 2014 aduun dhan £63m ugu soo biiray Real Madrid isagoo kasoo dhaqaaqay Monaco, balse sooma jiidan indhaha macalin Zidane, kaasoo ka doorbiday Bale,Asensio iyo Vasquez.

Chelsea iyo Manchester United ayaa horay loola xiriirinayay xidigaan balse waxaa hada tartanka si xoogan usoo gashay Arsenal iyadoo ku dalbatay lacag ka badan mida ay ku dalbadeen United iyo Blues.

Xidiga ugu qaalisan ee ay Arsenal ebid soo iibsato wuxuu ahaa Ozil kaasoo ay Real kaga soo iibsadeen  4 sano kahor aduun dhan £42.5m, balse waxey u muuqataa in Gunners markale ay bangiga u jabin doonto James.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here