Arsenal oo rabta xiddigga Manchester United ee Nani

Sida uu qoray maanta oo Axad ah wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska, naadiga Arsenal ayaa doon-dooneysa xiddigga kooxda Manchester United ee Nani si ay uga aarsato ciyaar horrey looga soo qaatay oo ah Robin van Persie.

Naadiga The Gunners ayaa wadahaddal la furi doonta ciyaaryahanka garabka ka cayaara ee u dhashay waddanka Portugal, marka la gaaro bisha  January  ee sannadka na soo aadan.

Kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford ayaa rabta haddii marba la iibinaayo ciyaaryahan Nani in ay ku rabto £20million.

Laakin Arsenal waxa ay ku rabtaa in ay kula soo wareegto Nani, lacag aad u raqiis ah, arrintaasna waxa ka soo horjeeda macalinka kooxda Sir Alex Ferguson.

Dhinaca kale, Macalinka kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa qiray in ciyaaryahan Nani aan la iibin doonin.

Kooxda Arsenal ayaa aad u rabta xiddiga reer Portugal, waxana ay la soo wareegi doono marka la furo suuqa ciyaartoyda bisha January 2013-ka.

Ferguson ayaa yiri : “Heshiiska Nani uu ku joogayo kooxda waxbo loogu darin sannadkii iyo barkii, laakin waa ciyaar yahan u qalma in uu joogo kooxda.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here