Arsenal oo Newcastle ku Xaaqday 7/3 -Warbixin iyo Sawiro

Naadiga Arsenal oo beryahanbo ay soo gaarayeen guuldarooyin aad u xanuun badan ayaa xalay markale kusoo laabatay wadadii guulaha kadib markii ay guul weyn ka gaartay dhigeeda Newcastle United, oo xalay marti ugu ahayd garoonka FLY EMIRATES, kulan katirsan dhamaadka qaybta koowaad ee horyaalka Britain.

Arsenal, ayaa xalay samaysay layaabka layaabkiis kadib markii ay 7/3 ku martay wiilsha Alan Pardew oo beryahanbo kayaabsanayay kooxaha waaweeyn ee horyaalka hor booda, Arsenal oo ka faa’iideeysaneeysa nasiinada dheer ay heleen ciyaartooyda kadib markii uu isbuucii hore u baaqday kulan ay la lahaayeen naadiga West Ham kadib shaqo joojin ay sameeyeen shaqaalaha Tareenada.

Ciyaartooyda Arsenal oo ugu horeeyo Teo Walcott ayaa xalay kala daadiyay daafacyada Newcastle, kadib markii ay kadhaliyeen 7/3, Taageerayaasha the Gunners-ka ee xalay garoonka soo camiray ayaa aad ufaraxsanaa kadib niyad jab iyo ciil ay ka qaadayeen kulamdii ugu danbeeyay ee ay Arsenal lagu garaacayay amaba bar baro ay galeeysay.

Theo Wallcot, waxa uu ahaa xidigii garoonka ee xalay kadib markii uu saxiixay 3 kamid ah goolasha halkalaba kalena uu isaga lugtiisa ku baasay, halka laba kamid ah goolashaasna uu nsaxiixay ciyaaryahanka reer France Olivier Groud wax kayar 5 daqiiqo, halka labada kalena ay miin hal ukala qaybsadeen ciyaaryahanada Alex Oxlado-Champerlain iyo Podoliski.

Ku bilaawasho caajis ka muuqdo:

Naadiga Arsenal oo ciyaartii xalay ku bilaawday si caajis kamuuqda ayaa daqiiqadii koowaad waxaa gool sigay Ciyaaryahan Champerlain kaasoo baas qurxan kahelay Wilshare laakiin isku daygiisa ma ahayn mid miro dhalay oo kubada ayaa martay meel geeska ka ah birta goolka Newcastle.

Dhanka kale Ciyaaryahanada Newcastle ayaa dhankooda ahaa kuwo soo bandhigay ciyaar aad uqurxan, waxaana ka dhexmuuqday labada ciyaaryahan ee haysata dhalashada wadanka France (Sylvain Marveaux iyo Operton) laakiin ciyarta ay soo bandhigeen ciyaaryahanada Newcastle ma ahayn mid aad usareeysa sida kulankii ay la qaateen isbuucii hore Manchester United, waxaana usabab ah maqnaashaha ciyaaryahanka reer holand “Anita” kaasoo dhaawac kaga maqnaay.

Arsenal ayaa goolka koowaad heshay daqiiqadii 20-aad waxaana, waxaana u saxiixay laacibka xalay laga yaabay ee Theo Wallcot kaasoo baas aad uqurxan kahelay Podoliski dabadeedna si quruxbadan u daba mariyay goolhayaha Newcastle Corul.

Wallcot ayaa sidokale daqiiqadii 35-aad ku sigtay inuu gool labaad kadhaliyo Newcastle, kadib kubad uu ka farsameystay difaacyada Newcastle, laakiin waxaa kusoo baxay goolhaye Corul kana badbaadiyay.

Newcastle ayaa isku daygoodi ugu horeeyay sameeyay kadib markii uu ciyaaryahan Chack Tiyote goolka Arsenal ku riday kubad sidii madfaca oo kale ahayd laakiin waxaa banaanka halgacan ugu bixiyay goolhayaha Arsenal.

Dhamaadkii ciyaarta qaybteeda koowaad ayay Newcastle layimaadeen goolka barbaraha kadib markii kubad bilisyoon ahayd uu laaday Ciyaaryahan Dempa BA ay madaxa ugu dhacday Chack Wilshare, taasoo si sahlan shabaqa udhax cuskatay, ciyartana kadhigtay 1/1.

Qaabkii Old Traford:

Ciyaartii xalay dhexmartay Arsenal Iyo Newcastle, ayaa qaab ahaan waxay u ekayd ciyaartii isbuucii hore dhexmartay Naadiyada Newcastle iyo Manchester United, maxaa yeelay labada naadi ayaa midba kan kale ugu jawaabayay gool.

Daqiiqadii 51-aad ayaa Arsenal waxay la’imaatay goolkii labaad ee Ciyaarta, waxaana usaxiixay wiilka lagu naaneeso “Dibiga” ee Alex Oxlado Champerlain kadib markii uu baas sixir ahaa kahelay Ciyaaryahanka reer Spain Santi Cazorla.

 

 

Kadib sided daqiiqo goolka labaad ee Arsenal, ayaa ciyaaryahan Sylvain Marveaux oo Newcastle garabka ugu ciyaara kadhigay ciyaarta 2/2 kadib markii uu baas qurxan kahelay Operton.

Ciyaaryahanka Santi Cazorla ayaa daqiiqadii 60-ad ku sigtay inuu ciyaarta kadhigo 3/2 kadib markii uu kubad xoogan ku tuuray Goolka Newcastle, laakin waxaa yaa ala yaa nafta ku badbaadiyay goolhaye Corul.

Afar daqiiqo kadib fursadii laga badbaadiyay Cazorla, ayaa ciyaaryahanka reer Germany, Lukas Podoliski waxa uu ka faa’iideystay kubad uu si qurxan usoo laanjeeyay Wilshare sidaasna ciyaarta uga dhigay 3/2.

Newcastle, oo muuqatay mid mid soo bandhigeeysay ciyaartii Manchester oo kale, ayaa mar sadexaad waxaa usuura gashay ineey iska soo bareejeeyaan goolka sadexaad ee lagu lahaa, kadib markii uu ciyaaryahankooda reer Senegal Dempa BA usaxiixay goolka sadexaad kana dhigay ciyaarta 3/3.

Niyad jab:

Newcastle wey awoodi weysay ineey kusii socoto qaabka Manchester ay isbuucii hore uga yaabsatay, islamarkaasna ay goolka 4-aad kaga hormaraan Arsenal, laakiin Ciyaaryahanka Mucjisada Wallcott, ayaa daqiiqadii 73-aad usuurta gashay inuu goolka 4-aad kadhaliyo Newcastle kadib markii uu diilinta ganaaxa baas qurxan kahelay ciyaaryahan Podoliski oo ahaa quudiyaha Wallcott.

Ciyaaryahanka Walcot ayaa markale ku sigtay daqiiqadii 82 aad inuu gool kadhaliyo Newcastle kadib markii uu meel 20yrd ujirta ka laaday kubad qurxaneyd laakiin waxay ku dhacday mid kamid ah daafacyada Newcastle.

Shabaqa Newcastle ayaa markale lakulmay laba gool oo dagdag ahayd, kadib markii uu ciyaarta badal kusoo galay gooldhaliyihiis anadkii hore ee horyaalka Faransiiska Olivier Groud, kaasoo daqiiqadihii 85-aad iyo 87-aad kadhaliyay goolasha.

 

 

Theo Wallcot, ayaa soo qatimay goolasha daqiiqadii 92-aad, waxa uuna gool aad u qurxanaa laguna tilmaamay goolka horyaalka uu ka farsamaystay daafacyada Newcastle, dabadeedna si qurxan udaba mariyay goolhaye Corul.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here