Arsenal oo maanta saxaafada usoo bandhigeysa Lucas Perez

article-3763845-37B0260200000578-328_636x421Kooxda Arsenal, ayaa maanta oo talaado ah Saxaafada usoo bandhigi doonta weeraryahankeeda cusub Lucas Perez.

Weeraryahanka cusub ee Arsenal Lucas Perez ayaa ka soo degay garoonka dayuuradaha Heathrow Airport ka hor inta aysan Gunners soo bandhigin.

Xiddiga reer Spain ee 17-milyan ugu kacaya Arsenal ayaa la heli karayaa wixii ka dambeeya kulamada caalamiga ah ee iminka ciyaartoyda loo fasaxay kaddib marka uu dhammeystiro soo dhaqaaqisitiisa.

27-jirka ayaa u dhaliyay naadigiisa Deportivo 17-gool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here