Arsenal oo laga badiyey iyo Chelsea oo ku soo laabatay kaalinta 4aad horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Chelsea oo 2-1 ugaga badisey naadiga Wolves ayaa dib ugu laabatay kaalinta 4aad kadib markii kooxda Arsenal 2-1 loogaga badiyey.

Kooxda Chelsea oo kulan adag ay wada yeesheen kooxda Wolves ayaa waxaa ka badbaadiyey barbaro ciyaaryahankooda Lampard kadib markii daqiiqadii 89aad uu gool uu dhaliyey ka dhigtey 2-1 ciyaarta. Kulankan  ayaa goolka waxaa ku hormartay kooxda Chelsea daqiiqadii 54 markii Ramires uu gool u dhaliyey.

Hase yeeshee Chelsea oo is lahayd waad guuleysatay ayaa daqiiqadii 85aad gool laga dhaliyey markaas ayay hurdada ka kaceen oo uu Lampard ciyaarta oo hal daqiiqo ka dhiman tahay goolkii guusha u dhaliyey.

Chelsea ayaa ka faa’ideysatay kadib markii kooxda Arsenal ay la ciyaartay naadiga Fulham uu 2-1 ku dardaray kooxda Arsenal oo maalmahaan u shidneyd. Waxayna haatan Chelsea soo gashay kaalinta 4aad.

Arsenal oo goolka ku hormartay ayaa waxaa u dhaliyey Laurent Koscielny qeybtii hore ee ciyaarta hase yeeshee kooxda Fulham oo dadaashay ayaa tobankii daqiiqo ee ugu dambaysay ciyaarta labo gool oo darandoori ah waxaa u dhaliyey laacibiinteeda Steve Sidwell iyo Bobby Zamora. Kooxd Arsenal ayaa waxaa kaarka cas loo taagay Djourou ciyaarta oo 12 daqiiqo ay ka harsan tahay.

Ciyaarihii kale ee la ciyaaray maanta ayaa kooxda Swansea City waxa ay ugaga badisey 2-0 kooxda Aston Villa iyadoo guushaasina ay ahayd tii ugu horeysey ee ay ku gaareen meel ka baxsan garoonkooda xilli ciyaareedkan.

Kulan kale ayaa kooxda Stoke City waxaa ay 2-1 ugaga badisey Blackburn Rovers. Halka kooxda Norwich City ay 2-1 ugaga badisey kooxda  QPR.