Arsenal oo ku horreysa baadigoobka Abdisalam Ibrahim

abdisalamIbrahimCayaaryahanka Somaaliyeed ee u cayaara kooxda Manchester City Abdisalam Ibrahim ayaa lagu soo warramayaa in uu  bartilmaameed u noqday kooxo badan oo ka dhisan dalka Britain.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa maanta oo Axad ah qoray in xidiggan ay ku tartamayaan kooxaha Arsenal, Everton iyo Celtic.

22-jirkaan heesta dhalashada dalka Norway ayaa haatan amaah kaga maqan kooxda Sky Blues lagu neynaaso waxaana loo sheegay in uu raadsan karo koox uu ku biiro bisha January waliba si xor ah.

Xidigaan  waxaa haatan ku raad joogo kooxaha Crystal Palace, Everon, Arsenal & Celtic kuwaas oo doonaya iney la saxiixdaan xidigaan heerka caalami.

Abdisalam Ibrahim ayaa la weydiiyay inuu sii joogayo Norway iyo inuu aadi doono kooxaha yurub ee dalabka uu ka helay.

“Maxaa dhacay!! Wax walba waa suuragal Norway waxaan u imid inaan dhiso nolosheyda isla markaana aan la kulmin dhaawac dhanka niyada ah”ayuu yiri Abdisalam Ibrahim.

Wuu sii hadlay “Waqtigaan waxba niyadeyda kuma jiraan balse wax walba waa suuragal”.

Abdisalam Ibrahim waqtiga uu ku joogo City wuxuu dhacayaa xagaagan balse waxaa loo sheegay inuu kooxda ka tagi karo ka hor inta uusan dhamaan heshiiskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here