Arsenal oo ku dhow in saxiixa Mbappe ka dulqaado Real & City

Tababare Arsene Wenger ayaa aad ula dhacsan xiddigaan reer France, xaggaagii hore ayuuna ku booqday gurigiisa si uu uga dhaadhiciyo inuu soo caga dhigto Emirates.

L’Equipe ayaa baahisay in Arsenal ay ku soo biirtay tartanka saxiixa Kylian Mbappe, kooxda ayaana diyaar u ah inay hor dhigto Monaco lacag dhan 100 milyan oo euro oo ah furitaanka wadahadalada.

Gunners ayaa dareensan inay aad u adagtahay inay tartan la galaan Real Madrid iyo Manchester City oo doonaya laacibka, waxayna sidoo kale ka shaqaynayaan sidii ay ku keeni lahaayeen Alexandre Lacazette.

Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa laacibka Monaco ee Thomas Lemar, wargayska reer France ayaana sheegaya in laacibku uu xiiso u qabo u ciyaarida kooxda tababare Wenger.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here