Kooxda Arsenal ayaa ka dhawaajisay in xiddigooda garabka ka ciyaara Gervinho la rajeenaayo in uu ku soo billowdo qaybta koobaad ciyaarta ay la lee yihiin kooxda Bayern Munich horiyaalka koobka kooxaha qaaradda Yurub.
Bayern ayaa martigalineysa lugta labaad iyadoo horrey 3 iyo waxbo uga soo badisay kooxda Guners-ka.
Sarkaal u hadlay kooxda ayaa sheegay Gervinho in uu diyaar u yahay ka qaadashada ciyaarta ka dhaceysa guriga kooxda Bafaariyaanka.
“Waa ciyaar gabi ahaan aad u cusub, ciyaarta oo dhan waa diyaar Gervinho sida aan aamin sanahay” ayuu sheegay
Wuxuu sheegay in looga soo adkaaday garoonka Emirates Stadium haddama isma dhigan doono ayuu sii raaciyay.
Kooxda Arsenal ayaa waa yahan guul daro is-daba joog ay ku dhacayeen iyadoo hadda kaalinta 5-aad u dhacday kala horeynta horiyaalka dalka Ingiriiska/
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com