Arsenal oo heshiis hordhac ah la gaartay Podolski

Weeraryahanka kooxda Koln ee dalka Jarmalka Lukas Podolski ayaa la gaaray kooxda Arsenal heshiiska afka ah isaga oo ogolaaday inuu ku biirayo dhamaadka xilli ciyaareekdan.

Wargeyska Bild ee kasoo baxa dalkaasi Jarmalka ayaa daabacay in laacibkan heerka caalami ee xulka Germany uu aad u jecelyahay kooxda Koln oo ka dhisan magaalada uu kasoo jeedo, balse uu ka xunyahay horumar la,aanta naadiga ee sanadihi lasoo dhaafay.

Heshiiska uu kula jiro kooxdiisa ayaa dhacaya sanadka 2013, waxaana uu diiday horaangti sanadkaan inuu ku daro qandaraas cusub.

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa mudo dheer raadinayey 26 jirkaan, mar ayuuba ku sigtay xagaagi lasoo dhaafay laakin isaga ayaa diiday.

Dhanka kalana Podolski waxa uu ka mid yahay ciyaartooy badan oo ay dooneyso kooxda Schalke, oo rabto in mushaarkiisa ay ka dhigto €6m sanad walba.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.