Arsenal oo guul aan micno lahayn gaartay & Malaga oo Taariikh sameysay

Naadiga reer England ee Arsenal ayaa xalay guul weyn ka gaaray naadiga reer Jarmal ee Bayern Munchen, Arsenal ayaa ku adkaatay 2/0, laakiin guushaas kama saacidin ineey usoo baxaan wareega 8-da, maxaa yeelay Bayern ayaa lugtii hore guriga Arsenal kusoo adkaatay 3/1, sidaas darted Arsenal waxaa looga baahnaa 3gool ineey dhaliyaan.

Ciyaartoyda Arsenal, ayaa xalay muujiyay dadaal iyo karti dheeraad ah, iyagoona ku fiicnaay dhanka daafaca iyo qadka dhexe, waxayna u muuqdeen kuwo ayba ka go’neyd ineey usoo baxaan warega 8-da, ee Champion Legue, laakiin nasiibka ayaa kahiiliyay.

Grvinho, ayaa mar ku sigtay inuu gool kadhaliyo Bayern, taasoo suurtagal kadhigi lahayd in ciyaarta ay ku dhamaato 3/o, sidaasna ay Arsenal kusoo bixi lahayd.

Arsenal ayaa sanadkii 8aad wax koob ah soo xareysan, iyadoona hada u muuqata mid isaga hartay dhamaan tartanada gudaha iyo dibadaba, waxayna hada horyaalka dalka Ingiriiska kaga jirtaa kaalinta 5aad, waxaana 7dhibcood ka sareeysa naadiga Tottenham, waxaana suurtagal ah in sanadka soo aadan aysan ka soo qaybgalin tartanka horyaalka Yurub, haday sidaan ku dhamaysato.

Guuldaradii xalay soo gaartay kooxda Bayern, ayaa noqoneysa tii ugu horeeysay ee gurigeeda koox Britain kasocota ugu geysato tan iyo 193, markaasoo kooxda wet Browich ay garaacday.

Arsenal ayaa xalay waxaa ka maqnaay, ciyaaryahanadeeda lafdhabarka u ah, sida Jack Wilshare, Varmaelen, goolhayaha, iyo Podoliski, kuwaasoo dhamaantood ku maqnaay dhaawacyoo soo gaaray.

Dhanka kale naadiga reer Spain ee Malaga ayaa xalay guul ka gaartay dhigeeda reer Portugal ee Fc Porto, kadib markii ay ku garaaceen 2/o, waxayna taas ka dhigantahay in Malaga markii ugu horeeysay Taariikhda ay usoo baxdo tartanka Championka wareegiisa 8-da.

Soo bixitaanka Malaga, waxay ka dhigantahay in sanadkaan Spain oo kaliya ay 3 kooxood usoo baxeen wareega 8-da ee Championka, halka kooxihii Ingiriiskana ay dhamaantood isaga hareen tartankaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here