Arsenal oo diiday in ay la soo wareegto Demba Ba

Weerrar yahanka reer Senegal ayaa la sheegay in uu ku sii jeedo kooxda Arsenal, laakin warkaas wuxuu noqday mid aan sax noqon,kaddib markii macalinka kooxda uu sheegay in aysan dooneynin Demba Ba.

Cayaaryahankan ayaa la sheegay in uu ka tagayo kooxda Newcastle, laakin waxa ay u muuqataa in uu la joogayo kooxda xilli ciyaareedkan inta ka harsan.

Ciyaaryahanka ayaa saxaafadda ay hadal heysay in uu ku soo jeedo goaroonka Emirates, laakin warkaas waxbo kama jiraan waxa ka dhigay macalin  Wenger, wuxuna sheegay in aysan jirin baahin hadda ku qaysab

Xiddiggii hore ee kooxda West Ham, waxa uu noqday cayaaryahan soo jiitay kooxo badan, kuwaasoo la dhacay qaab ciyaareedkiisa.

“Ma rabo in aan ka hadlo cayaaryahankan, waayo berri ayuu naga soo horjeedaa, haddii aad I weydiineysaan ma la soo saxiinaysaan ? waxa la yeehay may’.”
ayuu yiri Wenger.

63-jirkan ayaa in kooxda ay la soo wareegi doonto bisha na soo aadan ciyaar yahan, laakin masheegin meesha ay kala immaan doonaan.

Wuxu yiri in ay filayaan qaab amaah in ay kula soo wareegaan xiddigga u ciyaara hadda kooxda Maraykanka ee New York Red Bulls, Thierry Henry isla markaana ka mid ahaa xiddiggihii ugu fiicnaa kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here