Arsenal oo £165m kusoo qaadaneysa Kylian M’Bappe, Riyad Mahrez, Alexandre Lacazette iyo Arda Turan

Wenger oo dhawaan qandaraas 2 sano ah u saxiixay Arsenal ayaa markaan lacagihii ugu badnaa ebid ku faraqi doona suuqa kala iibsiga, si uu markale Arsenal ugu hogaamiyo ku guuleeysiga Premier League oo ay mudo 10 sano ka oomanyihiin.

Bartilmaameedka koowaad ee Wenger waa Kylian Mbappe oo uu ku doonayo aduun dhan £87million,balse Monaco ayaa soo diiday qiimahaas, waxaana laga yaabaa in Arsenal ay sare u qaado qiimaha.

Wargeyska Express ayaa daaha ka qaaday in tababare Arsene Wenger uu diyaarinayo inuu 95 milyan oo Ginni oo u dhiganta 110 milyan oo euro uu ku dalbado Mbappe.

Sidoo kale Wenger waxa uu isha ku haayaa soo xera gelinta Riyad Mahrez, xidiga weerarka uga ciyaara Lyon goal-machine Alexandre Lacazette iyo xidiga laga nacay  Barcelona ee Arda Turan.

Laacibka reer Turki ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo kooxdiisa Barcelona tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda Atletico xaggaagii 2015.

Warar saakay soo baxay ayaa sheegaya in Arsenal heshiis lagaartay Arda Turan si uu ugu soo biiro suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gunners ayaa shuruuda gaarka ah kala heshiisay Arda Turan, waxaana harsan oo kaliya inay heshiis lagaarto kooxda Barcelona, Turan ayaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 30 milyan oo euro sida ay baahisay shabakada Eldesmarque.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here