Arsenal & Man Un oo barbardhac ku kala baxay

 

Arsenal & Man Un oo barbardhac ku kala baxay
Arsenal & Man Un oo barbardhac ku kala baxay

Arsenal ayaa barbardhac 0 iyo 0 la gashay Manchester United cayaar ka dhacday garoonka Emirates Stadium habeenkii Arbacda, waxaana ay iska lumisay fursad ah in ay hoggaanka horiyaalka Premier League la wareegto.

Ayadoo Manchester City kulankii ay isku dhici lahaayeen Sunderland dib loogu dhigay markii hawada ay xumaatay, sidoo kale Chelsea oo ku guul dareesatay in ay ka adkaato West Brom maalin ka hor.

Si kastaba, cayaarihiii dhacay Arbacadii ma ahan kuwa wax fiican laga helay,cayaartoyda macalin Arsene Wenger awood ayey u yeelan waayeen in ay gaaraan hoggaamiyaasha horiyaalka Chelsea oo hal dhibic ka horreyso iyo labo dhinac oo ay ka koreyso City.

Weerar yahankii horre Arsenal Robin van Persie ayaa u dhaliyay goolka Man Un balse waxaa labo daqiiqo kaddib soo barbareeyay  Mikel Arteta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here