Arsenal iyo Liverpool oo isku heysta difaaca Swansea Williams

Kooxda Arsenal, ayaa ku rajo wayn siddii ay ula soo wareegi lahayn difaaca Swansea City Ashley Williams marka uu dhammaado xilli ciyaareedka hadda socda oo gabagabo ku dhow.

Wargeyska The Daily Mail ayaa khamiista maanta qoray, in difaacan dhexe lagu rajo weyn yahay in uu ku soo biiro kooxda Gunners-ka ee uu macalinka u yahay Arsene Wenger.

Laakin mar uu dhawaan la hadlaayay saxaafadda, maamulihii horre Swansea, Brendan Rodgers ayaa sheegay in la soo wareegi doonaan Williams.

Saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegeysa in kooxda Liverpool, ay aad ugu xusul duubeyso xidiggan in la soo wareego oo lacago fiican ayey dhiibeysaa.

Ilo lagu kalson yahay oo xiriir la leh xidigga Swansea’ ayaa sheegaya in ciyaaryahanka reer Wales, uu ku dhow yahay in uu ka tago kooxda Swansea.

Arsenal ayaa horrey u sheegtay in ay lacag ku rabto Gervinho.

Wargeyska Daily Mail, ayaa qoray in kooxda Arsenal £12million ay ku rabto weerraryahankooda Gervinho, waxaana laga iibin doona Galatasaray .

Kooxda Turkish-ka ayaa raadineysa 25-jirkan oo wadankiisa Ivory Coast, u matalaayo tartanka qaramada Afrika.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here