Arsenal 7-1 Blackburn + natiijooyinka kulamada kale.

Waxaa galabta iyo caawa la ciyaaray kulamo ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska iyadoo kooxda Arsenal ay soo hooysay guul tariikhi ah kadib marki ay 7-1 kaga badisay kooxda Blackburn Rovers.

Arsenal oo ku cayaareysay garoonkeeda ayaa goolasha shan ka mid ah waxa kala qeybsaday Robin van Persie oo dhaliyey sadexle ‘hat-trick’ iyo Alex Oxlade-Chamberlain oo saxiixay laba gool, labada kale waxaa kala dhaliyey Mikel Arteta iyo Thierry Henry oo dhamaadki ciyaarta kusoo qatimay.

Inkastoo heerkulka garoonka uu ka hooseeyo darajada eberta sub-zero hadana Arsenal aad ayey u ciyaartay goolkana waxay heshayba kadib daqiiqadi koowaad ee ciyaarta.

Guusha ay caawa gaareen waxaa ka hadlay macalin Arsene Wenger oo la cajabay sida ay ciyaartooydiisa u ciyaareen.

“Waxay aheyd kulan goolal badani aanu dhalinay laakin arrinta ugu muhiimsan ayaa aheyd in aan gacanta kusoo dhignay sadexdi dhibcood, waxaanu ciyaareynay kulamadi ugu danbeeyey ciyaaro wanaagsan laakin waxaa kalsooni i siiyey natiijooyinka,” ayuu yiri.

Waxa sidoo kale uu wax ka yiri hogaamiyaha kooxda Van Persie oo uu ku sheegay inuu yahay nin aan caadi aheyn.

“Robin van Persie waxa uu helay kaalmooyin xoogaa ah, waana nin gaar noo ah oo nagu weyn, Alex Oxlade-Chamberlain waa nin wali koraya waxaana uu sameyn karaa kaalmeynta goolasha iyo inuu isagaba dhaliyo,” ayuu yiri macalin Wenger.

Macalinka kooxda Blackburn Steve Kean ayaa isna ka hadlay kulanki shalay ee masiibada ku noqday taageerayaasha kooxdiisa.

“Waa maalin nagu adag anaga sababtoo ah waxaa nagu adkeyd in garoonka aan kula ciyaarno 11 ciyaaryahan oo naga soo horjeeday, waa kulanki ugu xumaa aan qaadano xilli ciyaareedkaan,”

Dhanka kalana waxaa guul muhiim ah gaartay hogaamiyaasha horyaalka Manchester City oo 3-0 ku dar dartay kooxda Fulham.

Ciyaaraha kalana kooxaha waxay isu arkeen sidan:

Norwich C.    2 – 0    Bolton W.
Queens Park R.    1 – 2    Wolverhampton W.
Stoke C.    0 – 1    Sunderland
West Bromwich A.    1 – 2    Swansea C.
Wigan Athletic    1 – 1    Everton

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.