Arsenal 5-2 Tottenham

Waxaa shalay galab iyo xalay la ciyaaray kulamo ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska, iyadoo guushi ugu weynedna ay soo hooysay kooxda Arsenal.

Arsenal oo ku marti gelisay garoonkeeda Emirates Stadium ee waqooyiga London naadiga ay isku xaafada yihiin ee Tottenham isla markaana aad u xafiiltamaan ayaa ku badisay 5-2.

Arinta la yaabka leh ayaa iyada oo 5 gool ku jawaabtay marki loogaga hormaray 2-0, kuwaasi oo ay Tottenham u kala dhaliyeen Emirates Stadium  Louis Saha and Emmanuel Adebayor.

Iyada oo maanka ku heysa guuldaradi kasoo gaartay laba todobaad ka hor kooxda AC Milan oo kusoo cuntay 4-0 ayey jawaab dag dag ah bixiyeen, waxaana shanta gool u kala dhaliyey Bacary Sagna oo madaxa ku bilaabay, waxaa ku xigsaday Robin van Persie, waxaa sadaxeeyey Tomas Rosicky, ugu danbeyntiina waxaa laba gool xiriiriyey Theo Walcott.

Xilli ciyaareedki lasoo dhaafay kooxda Tottenham garoonka Emirates Stadium ayey si layaab leh ugu garaacday Arsenal oo inta 2-0 loogaga hormaray ayey u badashay 3-2 oo ay sidaasi ku badisay Tootenham.

Hada su,aasha taagani ayaa ah Arsenal 7-da bisha soo aadan 5-0 ma uga badin doontaa kooxda Milan oo ay ku balansanyihiin magaalada London.

Ciyaariha kalana kooxaha waxay isu arkeen sidaan:

Norwich C.    1 – 2    Manchester U.
Stoke C.    2 – 0    Swansea C.

Dhanka kala horeyntana waxay kooxaha u kala horeeyaan sidan:
1     Man City             63
2     Man Utd          61
3     Tottenham          53
4     Arsenal          46
5     Chelsea          46
6     Newcastle      43
7     Liverpool          39.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.