Ardayda Wax Ka Barata Turkiga oo soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Soomalida Sawiro

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa wacdaro ka dhigay bandhig Hidaha iyo Dhaqanka ah oo ay ku tartamayeen arday ka kala socotay 62 dowladood oo caalamka ayadoo dal walbana Hidaha iyo Dhaqanka uu leeyahay goobtaas lagusoo bandhigay.

Bandhigan Hidaha iyo Dhaqanka ah ayaa ka dhacay magaalo lagu magacaabo Bursa oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Turkiga waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee bandhig dhaqameedkaasi ka qeybgalay ay muujiyeen Hidaha iyo Dhaqanka Dalkooda.

Qaar ka mid ah dadweynihii kala duwanaa ee u daawasho tagay Bandhigaasi Hidaha iyo Dhaqanka ah ayaa si aad ah u ammaanay kaalintii ay qaateen Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta magaalada Bursa ee dalka Turkiga maadaama ay madasha kusoo bandhigeen intabadan Hidaha iyo Dhaqanka ay Soomaalidu caanka ku tahay.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah talaabooyin ay dhowaanahanba Ardayda Soomaaliyeed ee dalalka caalamka wax ka barta ku muujinayeen Hidaha iyo Dhaqanka Dalkeenna ayadoo dalalka bandhig dhaqameedyadaasi lagu qabanayeyna uu ugu horeeyo dalka Turkiga.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here