Arday Soomaali ah oo isagoo dhaga la’ ka qallin jabiyay Jaamacad ku taalla USA

Abubakar Sheekh Cabdulle waa Dhagoole,wuxuna ka qalin jabiyay Jaamacad ku taala Magalada New York
Abubakar Sheekh Cabdulle waa Dhagoole,wuxuna ka qalin jabiyay Jaamacad ku taala Magalada New York

Waa arrin dhif ah oo badnaa dhicin in uu qof dhagaha la’ uu ka gaaro Wax-Barashadda ilaa heer Jaamacad dunidda gaar ahaan ruux Soomaali ah.

Abubakar Sheekh Cabdulle oo ah aas aaisihii ururka ay leeyihiin dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliya (Somali National Association for the Deaf) ayaa noqday ardaygii ugu horreeyay oo dhagool ah kuna soo barbaaray Soomaaliya oo jamacad ka qalin jabiyay.

Abubakar aya ka qalin jabiyay jaamacadda Rochester Institute of Technology (RIT) oo ku taalla gobalka New York ee dalka Maraykanka, isagoo qaatay laba shahaaddo oo Bechelor ah.

Abubakar ayaa noqday arday si weyn looga aqoonsday jaamacadda isagoo sanadkii hore ku guuleystay billadda adeegga bulshada ee jaamacadda ee loo yaqaanno Distinguished Public Service Award.

Guddoomiyaha kuleejka uu Abubakar ka qalin-jabiyay RIT, Dr. Gerry Buckley ayaa yiri: “Abubakar waa hoggaamiye arday oo aad looga xushmeeyo jaamacadda. Waa arday u taagan u adeegidda bulshada. Abubakar wuxuu ku guuleystay biladda adeega bini’aadamnimo ee “The Bruce James Humanitarian Award). Intii uu jaamacadda dhiganayay waxuu hoggaanka u qabtay ururro badan oo ardayda ah isagoo laba jeer noqday senator sare oo ka tirsan maamuladda ardayda.”

Buckley ayaa intaas ku daray:“Abubakar waxuu howl weyn ka qaatay taageeridda ardayda jaamacadda ee ka yimaado dalalka adduunka isagoo ka caawiyay sida ay ula qabsan lahayaayeen dhaqanka Marayka maadama ay ku cusub yihiin dalka. Haddaba haddii aan nahay bahda jaamacadda aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay kaalinta uu waxbarashada ka gaaray Abubakar.”

Inkastoo Abubakar uu ahaa arday jaamacad dhigta, kama uusan fariisan u doodidda iyo dadaalka uu u hayo dhagoolayaasha Soomaliyeed. Wuxuu weli hoggaanka u hayaa ururrka dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SONAD, isagoo sannadkii hore booqasho ku yimid Muqdisho si uu ugu kuur-galo xaaladda dhagoolayasha Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee ururka dhagoolayasha Qaranka Soomaaliyeed, Muuse Kadle oo ka hadlayay kaalinta uu waxbarashada ka gaaray Abuukar ayaa yiri: “Waa arrin aad loogu farxo, waxaana u sheegaynaa dhamaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed inuu dhagoolku wax baran karo lana tartarmi karo mid ka wax maqlo, haddaba waa inay bulshadeennu ku baraarugaan arrinaas.”

Hambalyo ayaan lee nahay Abubakar Sheekh Cabdulle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here