Aqriso magacyada saraakiil al-shabaab katirsan oo lagu dilay Howlgal ay ciidamada Danab ka…

alpha2
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Ciidamada Dowlada ee sida gaarka ah u towabaran ay ku qaadeen deegaanka Ceel-timir oo hoos yimaada Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen Dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha lagu dilay weerarkaas ayaa gaaray sedax sargaal oo muhiim ah kuwaas oo kala ahaa Madaxii Amniyaadka Ee Deegaankasi, Madaxii Maaliyada oo Magaciisa lagu sheegay Cali xiis, & Madaxii Miinooyinka oo Magaciisa lagu sheegay Muxumed Gaafoow.

Gudoomiyaha Degaanka Galcad Qadar Axmed Cali ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u sheegeen in dadkaasi la dilay ay dhibaato aad u weyn ay ku qabeen islamarkaana howlgaladooda ay sii wadi doonaan.

Al-Shabaab weli wax war ah kama soo bixin hase ahatee waxaa la xusuustaa in shabaab weerarkii habeen hore ka dhacay deegaanka tooratooroow ay ka hadleen isla aroornimadii inta aysan ka hadlin dowladah Mareykanka Iyo Dowlada somaliya oo qeyb ay ka haayeen ciidamadeeda Howlgalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here