Aqriso Liiska Magacyada xubnaha aqalka sare u matalaya Galmudug & Qabiiladooda

bukhariMaamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo gudbiya liiska xubnaha uga mid noqonaya aqalka sare Baarlamanka Soomaaliya.

Shalay iyo maanta ayaa magaalada Cadaado ee xaruunta maamulkaas, waxaa ka dhacday Doorashada Musharixiinta ku loolamaya Kuraasta aqalka sare Beelaha daga Galgaduud.

Xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka sare ayaa ka kooban 8 xubnood, iyadoo maalintii shalay la doortay shan xubnood, halka maanta la doortay saddex.

Labo Haween ayaa ka mid ah Liiska xubnaha Aqalka sare ee matalaya Galmudug, kuwaasoo ka guuleystay Siyaasiyiin caan ahaa oo ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa muuqata in badankood xubnaha la doortay ee Aqalka sare ee matalaya Galmudug ayaa waxay u janjeeraan dhinaca Madaxweynaha oo dadaal ugu jira sidii labada aqal ee Baarlamaanka uga soo muuqan lahaayeen xildhibaano isaga taageersan, si ay mar kale u doortaan.

Halkan ka aqriso Liiska:

  1.  Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir
  2.  Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir
  3. Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade
  4. Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble
  5.  Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle
  6.  Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir
  7.  C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan.
  8. Abuukar Axmed Xaashi — Beesha Dir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here