Aqalka Cad ee Mareykanka Oo Ka Digay In Fara Gelin Lagu Sameeyo Xalada Kala Guurka

Dowlada Mareykanka oo si weyn u soo dhaweysay dhaarinta mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya iyagoo sidoo kale sheegay in cidna fara gelin ku sameyn karin marxalada kala guurka dalka.

Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya taageerada uu la garab taagan yahay uu sii laba jibaari doono, isagoo ku baaqay in lasii dar dar galliyo howlaha ka harsan Xilliga kalaguurka.

Mareykanka ayaa sheegay u uu laba jibaari doono daageerada uu u hayo dalka soomaaliya isagoo sheegay in soomalida in ey dar dar gelin ku sameyso howlaha adag ee horyaalo.

Joe Carny Xoghayaha Dowladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika oo ka hadlayay dadaallada looga gudbayo xilliga Kalaguurka ayaa waxa uu ka digay in carqalad lagu sameeyo dadaalladaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in xilligaani Soomaaliya looga wada jeesto hal meel.

Maraykanka ayaa waxa uu u rajeeyay Soomaaliya in barlamanka loo dhisay uu bilow fiican u noqon doono Dowlad awood u yeellata inay buuxiso ammaanka iyo kala dambeynta, sida dowladdii dhexe ee burburtay sanaddii 1991-kii.

Sikastaba Maraykanka waxa uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta isku diyaarinaysa ka qeyb galka Doorashada in wax faro gallin ah aanu ku sameyn barlamanka howlihiisa si xilliga yare e harsan howlaha hor yaalla barlamanka uu ugu guuleysto si hufan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here