Antonio Rudiger oo Roma u sheegay inuu doonayo ku biirista Inter Milan

Daafaca reer Germany iyo kooxda Roma Antonio Rudiger ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Inter Milan.

calciomercato.com ayaa haatan werinaya in dambeedkan dhexe uu u diyaar yahay inuu dalabkooda aqbalo, isagoo la dhacay mashruuca Inter.

Yeelkeede, weli si kama damayn ah Roma uguma caddaynin ujeedkiisa, wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay maareeyaha ciyaaraha ee kooxdaasi Jaalle Monchi.

Waxaa intaa dheer, kooxda Giallorossi oo laacibka ku fasaxaysa €40m oo euro, isna sida la yiri diyaar uma aha inuu khasbo tegitaankiisa, balse wuxuu niyad ahaan jecel yahay inuu ku biiro Inter oo uu joogo Walter Sabatini, oo ah ninkii isaga keenay Serie A xagaagii 2015, sidoo kalena waxaa kusoo maqan macallinkiisii Luciano Spalletti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here