Ansixinta Dastuurka oo markale dib udhac kuyimid Maxay tahay sababta?

ilo wareedyo ku dhow kulanka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen inuu dib udhac kuyimid  shirkii ansixinta Dastuurka oo lagu waday in 21-ka July uu kafurmo magaalada Muqdisho
Dadaalo culus oo ay  xukuumadda KMG ah iyo guddiga qabanqaabadashirka ay ugu jireen in shirka uu si rasmi ah u furmo maalinta Sabtida ayaa guul daro ku dhamaaday kadib markii ay soo bexeen caqabado waaweyn oo weli aan xal loo helin kuwaasoo hakad ku keenay ballantii shirka ee ahayd 21-ka bisha July.

 
Waxaa xarunta shirka shalay booqday raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas, ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Midowga Afrika.   Waxayna dhamaantood odayaasha ugu baaqeen inay deg deg soo gudbiyaan liiska ergada ka qeybgaleysa shirka si shirku uu u furmo maalinta berito ah.

 
Mid ka mid ah xubnaha guddiga qabanqaabada ayaa maanta sheegay in shirka uu dib u dhici doono illaa 23-ka bishan July oo ku beegan Isniinta, inta mudadaasi ka horeysana la sii wadio doono dhameynta “caqabado” uu sheegay inay shirka soo wajeheen.

 
Guddiga qabanqaabada ayaa sidoo kale sheegaya in xitaa odayaasha dhaqanka aysan dhameyn 135 xubnood oo uu jiro qaar weli maqan iyo kuwo rasmi ahaantooda muran uu ka taagan yahay.

 
Ku xigeenka xafiiska Qaramada Midoobay UNPOS oo shalay odayaasha khudbad u jeediyey ayaa sheegay in mar haddii odayaasha laftooda aysan dhameyn tiradii looga baahnaa ay caqabad ku tahay sharcinimada ‘shaqada odayaasha’ oo ay ku jiraan ergada ay soo xulaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here