Annadif: Hawlgalka Military ee Somalia si fiican ayuu u cocdaa

Maxamed Annadif
Maxamed Annadif

Midowg Afrika ayaa codsaday in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya la siiyo diyaarado helekobtar ah oo ka qayb qaata dagaallada ka dhanka Al-Shabaab.

Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, Mohamed Saleh Annadif oo u warramay VOA-da ayaa sidoo kale sheegay hawlgallada Al Shabab looga xorreynayo degaanada ay haystaan kadib loo baahan yahay in dib u xasillooni iyo dib u dhis laga sameeyo degaanadaasi.

Wakiilka wuxuu kaloo ka sheegay in howlgalku military ee ka dhanka ah al-Shabab uu guuleystay, kadib markii dhul badan looga qabsaday al-Shabab.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhul badan ka qabsaday Al-Shabaab bishan gudahadeeda, waxaana ka mid ah magaalooyinka laga qabsaday Buuloburte, Qoryooleey iyo Ceelbuur oo ugu dambeesay.

3 COMMENTS

  1. Ereyadaan hadaad maqasho Xusuusno Gumeysiga cusub..Qeybi oo xukun :

    Political Rival
    protest
    violence
    resolution
    presence
    assistance
    peace keeping
    UN
    Nicolas kay
    promote
    protests
    supporters
    people
    killed
    UN-funded Radio
    prompted
    several Days

    Somaliyeey is daba qabta intey goori goor tahay.. oo daaya xukunka, jagada,siyaasadda macno daradda ah ee aad isku baa’bi’seen la idinkana dhex faa’ideystay… aduun iyo aakhiro ku seegeysaan.. inaad isku wax yeeleysaaan, la idinkana dhex faa’ideysto oo la isku kiin diro, ilaa aad is nacdaan…IS cafiya..oo muujiya midnimo iyo walaltinimo.. kana wada shaqeeya inaad kiina tabarta yar caawisaa oo aad isku naxariisataan dhexdiina, si alle idin kugu naxariisto..

  2. Soomalida Uma Baahna Dagaal Dambe oo Wiil Soomaliyeed ah uu ku dhinto….Dowladda waa iney sameysaa Diiwaangelin ah DAdka ku barakacaya Dagaaladda, loona gurmadda…Dowladda waa iney soo celisaa kala dambeynta iyo Nidaamka Dowladdnimo. Shacabkuna waa iney helaan WAxbarasho,c.fimaad iyo nidaam Amni oo buuxo la iskuna haleyn karo, gaar aah Goobaha laga qabsadey Al-shabaab. Shacabka Soomaliyeed waa iney dhadhamiyaan MAcaanka iyo udeyga Dowladnimo iyo Nidmaan wanaagsan oo u horseedi kara Barwaaqo iyo Baraare..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here