Ankara:Soomaaliya iyo Somaliland oo Gaaray Heshiis Is faham ah

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helnay dalka Turkiga ayaa sheegaya in heshiis isfaham ah ay wada gaareen madaxda doowlada Soomaaliya iyo Somaliland, oo maantakulan ku yeeshay magaalada Ankara.

Labada Madaxweyne waxaa ka horeeyey shir hordhac ah oo loo diyaarinaayey ajandaha ay ka wada hadli karaan ama la isku waafaqi karo taas oo ay diyaariyeen Wasiiro labada dhinac ka socdey, inkasta oo arrimaha muhimka ah ay ku kala aragti duwanaayeen.

Hadaba wadahadalada ay maanta yeesheen labada madaxweyne, oo ahaa kuwo Xasaasi ah, ayaa ugu danbeyn waxaa laga soo saaray qodobo ay labada dhinac isku afgarteen, kuwaasoo aysan kujirin waxyaabo quseeya midnimada Soomaaliya iyo Gooni isku taaga Somaliland.

Qodobada ay labada dhinac kala saxiixdeen:

  • In guddiga labada dhinac isku afgarteen in wada hadalku sii socdo
  • In la taageero baaqii horey uga soo baxay Shirarkii dalalka Ingriiska iyo Imaaraadka Carabta
  • Wada hadalku in uu u dhexeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland
  • In lagu heshiiyey in la gaarsiiyo Somaliland mucaawanada iyo arrimaha horumarka Caalamku Soomaaliya siiyo
  • In la wadaago arrimaha amaanka, is dhaafsiga sirdoonka, tababarada iyo deeqaha waxbarasho, la gadaalanka argagixisada, burcad-badeeda iyo kaluumeysiga sharci darrada ah
  • In muddo 90 malmood ah gudaheed lagu kulmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga
  • Waxaa lagu heshiiyey in laga fogaado hadalada iyo dicaayadaha dhaawici kara wada-hadalka labada dhinac.
Doowlada Federaalka Soomaaliya waxaa heshiiskaan u saxiixay, wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, halka Somaliland uu u saxiixay wasiirka arimaha dibadda Maxamed C/laahi Cumar, waxaana halkaas ka muuqata In Somaliland ay shirka ugu soo talo gashay ineey lahadleyso sida dal kale oo Ajnabi ah, maadaama uu wafdiga u hogaaminayo wasiir arimo dibadeed, halka doowlada Soomaaliyana uu horkacayay wasiir arimo Gudeed, waxaana halkaas kacad in labada dhinac ay kala joogaan mowqid aad u adag.
Nuqulka heshiiska aylabada dhinac kala saxiixdeen

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here