Ankara: Golaha wasiirada Turkiga oo ansixiyay in Bil walbo $ 2-Milyan lasiiyo Soomaaliya

942caf36d98d01e8a4f6Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaaraysa $ 2-Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.

Wargeyska Rasmiga ee dowlada Turkiga ayaa maanta oo Talaada ah warkan shaaciyay wuxuuna cadeeyay in lacagahan kaalmada ah lagu kabayo misaaniyada dowlada Somaliya iyo adeegyada hay’adaheeda, iyadoo loo siinayaa Somaaliya si qeyb qeyb ah.

Qeybta ugu horeysa ayaa waxay noqonaysaa lix Milyan Doollar oo hal mar la siinayo Soomaaliya, kadib markii la soo mariyo wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga si looga dhigo qaab heshiis labada dal ah ay gaareen.

Sida laga warqabo waxaa Todobaadkan dekeda magaalada Muqdisho ku soo xirtay markab Turkiga leeyahay oo sida gargaar bani’aadanimo oo lagu qiimayay $ 8 milyan looguna tala galay dadka Soomaaliyeed ee wax yeelada ka soo gaartay daadadka iyo abaartii dalka ku dhufatay.

Xigasho-wakaalada Anadul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here