Angelina Jolie oo indha caalamka ku soo jeedineyso dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya

Aktarada caanka ah ee sameyso Filimada Mareykanka Angelina Jolie ayaa sumcada ay ku leedahay caalamka u adeegsan doonto in ay ka shaqeyso howlaha xaga bani,aadannimada si ay indha caalamka ugu soo jeediso qaxootiga Soomaaliyeed.

Gabadhaan oo balan qaaday in ay kala sii shaqeyn doonto Qaramada Midoobay howlaha xaga gargaarka ah oo ay in muda ahba ka waday xeryaha qaxootiga ee ku yaala Geeska Africa gaar ahaan iyada oo la shaqeyneysay hey’ada UNHCR.

Jolie, oo mudo 10 sana ah aheyd Safiir Sharafeed UN-ka ugu qaabilsaneyd Hey’ada dhinaca Qaxootiga (UNHCR),  ayaa haatan la dalacsiiyey iyada oo loo magacaabay ergay gaar ah oo xaga bani,aadannimada dadka qaxootiga ah.

Waxaa la rajeynayaa in ay xooga saarto sidi ay uga shaqeyn laheyed xerooyinka qaxootiga kasoo cararay dalka Soomaaliya iyo dalka Afghanstaan kuwaasi oo ku nool dalalka deriska ah.

“UNHCR waxay ku faraxsantahay in ay maanta ku dhawaaqdo in  Angelina Jolie qaadan doonto door weyn oo ka balaaran xilki ay awal heysay kaasi oo hada noqonaya Ergayga Gaarka ah ee Madaxa UNHCR Antonio Guterres,”  sidaasi waxaa saxaafada u sheegay afhayeenka Hey’ada Qaxootiga Aduunka Adrian Edwards.

Jolie ayaa sanadki hore loo magacaabi rabay ergayga gaarka ah ee xeryaha qaxootiga dalka Afghan laakin waxa dhacay is afgaran waa.

Jolie ayaa horay u booqatay ilaa iyo 40 xeej xeryo qaxooti oo ku yaala in ka badan 20 wadan oo ka mid ah dalalka ugu qatarsan caalamka oo ay ku jiraan Pakistan, Haiti, Iraq, Syria iyo Chad. waxaana ay ku deeqday ugu yaraanti $5 million.

Jolie iyo saaxibkeed Brad Pitt oo isna atoore si weyn loogaga qadariyo dalka Mareykanka gaar ahaan xaga jilida aflaanta ayaa Jimcihi lasoo dhaafay ku dhawaaqay in ay dhawaan aqal gali doonaan kadib mudo todobo sano ah oo ay wada noolaayeen.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.