Andre Villas-Boas: Torres iib ma ahan

Tababaraha kooxda Chelsea Andre Villas-Boas ayaa ku adkeystay in uusan iib aheyn weeraryahankooda Fernando Torres.

Xidigan reer Spain ayaa warar kasoo baxay shalay Ingiriiska waxay sheegayeen in ay Chelsea ku iibin doonto £20million bisha January hadi ay hesho dalab kaga yimaada kooxaha daneynaya.

Laakin macalin AVB ayaa meesha ka saaray in uu iibin doono isaga oo yiri : “Iib ma ahan qiima kasta oo naloo gaaro.”

Gool dhaliyahan ayaa u saxiixay Chelsea shan gool 35 kulan oo uu u ciyaaray tan iyo marki uu kasoo wareegay kooxda Liverpool bishi Janaayo ee sanadkaan, markaasi oo ay Chelsea kusoo gadatay lacag dhan £50m.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com