Andre Villas-Boas oo la eryey

Kooxda Chelsea ayaa raacdeysay macalinkoodi Andre Villas-Boas kadib sagaal biloob oo uu horboodayey kooxdan ka ciyaarto garoonka Stamford Bridge.

Go,aanka Chelsea ayaa ka danbeeyey ka gadaal marki ay kooxda ku jabtay kulanki Sabtidi oo ay 1-0 ku lumisay kooxda Bromwich Albion taasi oo ka dhigtay in tababarahan uu guuleystay sadex kulan oo qura 12-ki ciyaarood ee ugu danbeeyey ee horyaalka Premier League-ga.

Tababaraha albaabka la tusiyey oo ah 34 jir u dhashay dalka Portugal ayaa Chelsea loo magacaabay bishi June ee sanadki 2011, waxaana haatan booskiisa si kumeel gaar ah loogu dhiibay laacibki hore ee qadka dhexe ee kooxda Chelsea Roberto di Matteo.

Bayaan kasoo baxay Chelsea ayaa lagu sheegay in kooxda aysan u dulqaadan karin in guuldarooyin sidaasi oo kale ah lasoo darsadaan isla markaana aysan muuqan calaamado dhanka horumarka ah xilli haatan la marayo wareegyadi ugu xasaasisanaa horyaalka iyo koobka UEFA Champions League iyo koobka FA Cup, taasina ay ku kaliftay in ay ceyriyaan tababaraha.

Chelsea ayaa haatan wajaheysa laba kulan oo aad u adag oo ka kala tirsan tartamada FA Cup iyo Champions League 10-ka maalin ee soo aadan.

Waxay booqan doonaan kooxda Birmingham oo ay wareega shanaad ee FA Cup-ka la cayaari doonto Salaasada iyo kooxda Napoli oo ay ku marti galin doonto garoonkeeda Stamford Bridge todobaadka danbse.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.