Ancelotti: Ozil wuxuu ka cabsaday baratan

338395_heroaTababbaraha kooxda Real Madrid , Carlo Ancelotti  ayaa ka hadlay sababta keentay in Mesut Ozil uu ka tago kooxda kuna biiro kooxda Arsenal .

Xidigga qadka dhexe ee reer Jarmal ayaa go’aansaday in uu ka tago horiyaalka Spain ee Liga xagaggan, maadama uu ogaaday in tababbare Ancelotti in uusan dooneynin .

Si kastaba, tababbarrihii hore PSG ayaa iska fogeeyay in uu damacsanaa in uu ka tago kooxda 25-jirkan, balse wuxuu sheegay in cayaaryahanka uu uga tagay kooxda isagoo ka qabayay loolan uga yimaada cayaartoyda cusub ee timid kooxda.
“Ozil ma ahayn nin isku kalsoon. Waan ka warqabay in uu la hadlay koox kale maxaa yeelay wuxuu doonayay in uu baxo,  ma rabin in uu cayaaro cayaar kasta, anniga waxaan ka jeclahay [Angel] Di Maria ” Ancelotti ayaa u sheegay  Onda Cero.

Dhinaca kale, Tababbarre Ancelotti ayaa doonaya in uu codkiisa siiyo Cristiano Ronaldo si uu ugu guuleesto abaalmarinta Fifa Ballon d’Or oo uu sheegay in ay u qalantto maadama uu soo bandhigay sannadkan cayaar aad loo jecleestay.

“Waa ay iska fududahay.Anniga waxaa xaq u leh cayaaryahanka ugu wanaagsan Cristiano,” ayuu yiri Ancelotti.

Ancelotti ayaa sidoo kale aamisan in uu Gareth Bale sida uu ugu soo biiray kooxda Real Madrid uu weli la qabsan la’yahay kooxda balse wuxu yiri waa caado inta badan ay lee yihiin cayaaryahanka marka uu cusub yahay in uu la qabsan waayo kooxda.

Bale ayaa ku fadhiya qiimaha ugu badan ee ebid cayaaryahan la siisto oo ah €100million kaddib markii bishii September uu kaga soo biiray Real kooxda Ingiriiska ee Tottenham.

Bale ayaa dhaliyay afar gool sagaal kulan oo uu u cayaaray kooxda Real Madrid ilaa hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here