Ancelotti oo soo dhaweeyay Maradona in uu yimaado horiyaalka dalka Faransiiska.

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti ayaa aamisan haddii uu Diego Maradona ku soo biro  Ligue 1 in noqon horiyaal aad shacbiyad u yeesha.

Isagoo la hadlaayay dadka wararka fidiya markii ay kooxdiisa la ciyaartay naadiga Nancy, ayuu macalinkii hore ee kooxda AC Milan, wuxuu soo dhaweeyay wararka sheegay in xidiggii hore ee ku guuleestay koobka adduunka 1986-dii in macalin u noqonaayo kooxda  Montpellier.

“Immaashiyaha Maradona waxa ay wanaajineysaa horiyaalka Faransiiska,” sidaas ayuu yiri 53-jirkan.

Labada nin ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiicnaa tartanka kubadda cagta Serie A dhammaadkii sannadki 1980 iyo horraantii sannadkii 1990s,

Labadan ciyaartoy ayaa u kala safanaayay kooxaha Milan iyo Napoli ee dalka Talyaaniga

Macalinka talyaaniga ayaa isku diyaarinaya kooxda Nancy, kaddib PSG ka cirib tirtay kooxda  Valencia tartanka  koobka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League toddobaadkii hore.

PSG waxaa dib ugu soo laabtay ciyaaryahanka dheer ee Zlatan Ibrahimovic oo ka maqna kulankii ay la ciyaareen kooxda Valencia

“Kama cabsaneyno kooxda Nancy laakin waa koox aan qadarin u heyno . waa koox wayn oo soo bandhugta ciyaar fiican,” ayuu yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here