Ancelotti oo loo magacaabay tababaraha kooxda Paris Saint-Germain

Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday caawa in ay heshiis rasmi ah la gaartay tababaraha u dhashay dalka Talyaaniga Carlo Anceloti si uu u noqdo macalinka cusub.

Tababarahan 52 jirka ah ayaa saxiixay heshiis laba sano iyo badh isaga oo badalay tababare Antoine Kombouare, shir jaraa,id oo uu ku qabtay howlka kooxda ee Parc des Princes ayuu ku sheegay inuu keenayo laacibki hore qadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka France Claude Makelele tababarihi jore ee dhanka jirdhiska AC Milan Giovanni Mauri.

Hadal uu siiyey wariyaasha isaga oo uu bar bar taagnaa agaasimaha cusub ee naadiga Leonardo oo ay mar soo wada joogeen kooxda Milan, ayuu Ancelotti ayuu xaqiijiyey inuu ku faraxsanyahay inuu tago dalka France.

“Waan aqbalay in aan shaqadan qabto sabatoo ah waxaan u maleynayaa in aan kasoo bixi karo PSG waxay noqon doonaa koox weyn oo ka xamaalata Europe,”  ayuu yiri.

PSG ayaa noqotay mid ka mid ah kooxaha ugu dhaqaalaha badan kadib marki ay iibsatay shirkad laga leeyahay dalka Qatar bishi May.

Waxaa hada la saadaalinayaa in Ancelotti uu kooxda keeno sadex laacib oo uu ku kalsoonyahay horayna usoo leyliyey kuwaasi oo kala ah Alexandre Pato, Didier Drogba iyo Florent Malouda.

Kulanka ugu soo horeeyo Ancelotti ayaa noqonaya ciyaar saaxibtinimo oo ay kooxdiisa la yeelan doono 4-ta bisha Janaayo kooxdiisi hore ee club AC Milan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.