Ancelotti: Ibrahimovic wuu si joogayaa PSG

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain, Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Zlatan Ibrahimovic u sii joogi doono kooxda marka uu dhammaado tartanka hadda socda horiyaalka Faransiiska.

Xidigga reer Sweden ayaa dhaliyay 32-gool markii uu u ciyaaray kooxda ka dhisan magaalada Paris 43-jeer.

Ancelotti ayaa xaqiijiyay in ninkan uu ka mid yahay ciyaartoyda guusha gaarsiiyay kooxda gacana ka siiyay in ay ku guuleestaan horiyaalka Ligue 1.

Ciyaaryahanka dheer ayaa lala xiriirinayaa in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Juventus, taasoo toddobaadkan markii labaad oo isku xiggal ay ku guuleesatay horiyaaalka Serie A, laakin Ancelotti wuxuu lee yahay Ibrahimovic wuxuu lee yahay ciyaaryahan wuu joogaya kooxda.

Sidoo kale macalinka reer Talyaani waxa soo baxay warar badan oo suuqa soo galay kuwaasoo ah in uu ku sii jeedo kooxds Spain ee Real Madrid, maadama uu ka tagayo Jose Mourinho.

“Kooxo badan ayaa jecel Zlatan, laakin wuxuu nasiib u yahay PSG’oo shaqo fiicasn ka qabtay,” sidaas ayuu u sheegay tababarihii horre Chelsea Sky Sport 24.

“Wuxuu diyaarr la yahay in uu kula guuleesto sannadka dambe PSG koob kalei.”Ayuu markale yiri.

Kooxda PSG ayaa hadda 7-dhibic ka horeysa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Marseille horiyaalka Faransiiska, oo hadda ka harsan.

Si kastaba, wararka ka imaanaya kooxda France ayaa sheegaya in ciyaaryahankan uu sii joogi doono kooxda ka dhisan magaaalada Paris,maadaha uu ahaa xidig si wayn uga dhex-muuqaday kulankii Sabtidii dhawaa ay barbardhac la gashay kooxda Valenciennes horiyaalka dalka Faransiiskee .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here