Ancelotti: Beckham wuu sii joogayaa PSG

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain, Carlo Ancelotti ayaa aaminsan in David Beckham loo kordhin doono heshiis-ka uu kula joogo kooxda hoggaanka u heysa horiyaalka Faransiiska ee Ligue 1

Beckham, ayaa ku biiray kooxda ka dhisan Paris bishii January waxaana uu ka qaybgalay kulamo dhowr ah oo uu ka mid ahaa kulankii quarter-final ee tartanka kooxaha qaarada Yurub UEFA Champions oo ay la yeesheen Barcelona.

Tababarihii horre kooxda Chelsea, Ancelotti ayaa leh 38-jirkan waxa loo baahan yahay in laga faa’ideesto fursadaha ku jirra.

“Waxan u maleenayaa in uu sii joogayo kooxda,” Ancelotti ayaa sidaas yiri, isagoona intaas ku daray in uu yahay xidig wanaagsan laakin  da’da ay riixeyso isagoo hadda da’diisa ay marayso 38-jir.

“Waa ciyaaryahan xirfadyahan ah marka wuxuu ka mid yahay xidiggo dhowr ah oo yabooh loo bandhigay.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here